Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax xoog leh ayaa goor dhow abaarihii 7:00-dii fiidnimo oo daqiiqado dhiman waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, kaassoo jugtiisa laga maqlay meelo badan

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay agagaarka isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wardiigley.

Goob-jooge ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxan loo adeegsaday miino la geliyey maqaayad lagu magacaano Al-Nasri horteeda, wuxuuna dhacay wax yar ka dib markii ay halkaas ka gudbeen gaadiid ay ilaalo ka hayeen ciidamada dowlada.

Ugu yaraan labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxan kuwaasoo ka dhowaa goobta qaraxu ka dhacay, iyadoo wararku sheegayaan in midkood uu geeriyooday intii isbitaalka loo sii waday.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamada amaanku ay goobtaas gaareen ayna muddo kooban halkaas ka xireen gaadiidka iyo dadka inkastoo hadda xaaladu caadi ku soo laabatay, mana jirto cid sheegatay qaraxan illaa hadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

.

- Advertisement -