Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay Xildhibaan Ismail Ali Mohamed (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Xildhibaan Ismaaciil Cali Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu kujiro Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Gobolka Ohio Mudane Cabdi Aaden Geesay.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa korjoogtada u timid Doorashadii Goleyaasha Deegaanka Puntland ee qabsoomtay 25-kii May.

Wuxuu maalintii Doorashada booqday goobaha codeynta isagoo kormeeray sida habsamida leh ee Doorashadu u socotay.

Waxaa kulanka Madaxweynaha kala qeybgalay Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibad) oo ka mid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Mustaqbal, Wasiiro ka tirsan Dowladda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Xildhibaan Ismaaciil Cali Maxamed ayaa bogaadiyey doorashadii goleyaasha degaanka ee ka dhacday Puntland oo uu xusay iney aheyd mid xor ah oo si cadaalad ah u qabsoontay, isagoo xusay in doorashadan ay bilow u tahay hanaanka dimoqraadiyada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -