Allbanaadir.com
NEWS

Dil argagax lahaa oo ka dhacay Muqdisho iyo ninkii ka dambeeyay oo la qabtay

Dil dad badan ka argagaxeen ayaa maanta ka dhacay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, waxaana dad shacab ah gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay dilkaasi, xilli uu isku dayay in uu baxsado.

Sida aan wararka ku helnay nin watay toorey dheer ayaa mar qura beegsaday goob uu fadhiyay marxuum Ismaaciil Maxamed Cabdulle oo kamid ahaa dadka degan Wardhiigley, ninka tooreyda watay ayaana qoorta iyo meelo kale kala dhacay mindida.

Dad goobta ku sugnaa ay ku jiraan ehelada marxuumka la dilay ayaa ku guuldareestay in ay badbaadiyaan , waxaana ninkan gacankudhiiglaha dilka geestay iyada oo dad badan ay arkayeen.

Wararka aan helnay sheegaya in dadkii goobta ku sugnaa ay qabteen ninka dilka geesteen si xuna u garaaceen, waxaana ninkaasi markii dambe loo gacan galiyay ciidamada booliiska oo ku xiray xarunta CID-da.

Wali lama oga waxa uu salka ku hayay dilkan ka dhacay degmada Wardhiigley, waxaana dadka ku dhaqan aaga dilka ka dhacay hadal hayaan falkaasi aadka looga argagayay, booliiska oo baaris ku wada ayaana laga dhoorayaa natiijada baaristooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mashaariic ay ku Baxeyso $ 9 million oo laga fulinayo Muqdisho iyo Magaalooyin kale

Cabdi Cade

Booliiska Jubbaland oo ka qeyb qaadanaya Howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Weerar loo adeegsaday gaari qaraxyo laga soo buuxiyey oo ka dhacay Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---