Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurad Israel kaga burburtay Gaza & askar ku dhimatay

Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee UH-60 Black Hawk oo ay leeyihiin ciidanka Israa’iil ayaa ku burburtay koonfurta magaalada Qasa gaar ahaan Rafah

Dayuuradan ayaa burburtay xilli ay isku dayaysay inay soo qaado askar ka tirsan ciidanka Israa’iil oo ku dhaawacmay weerarro ay kala kulmeen xoogaga iska caabinta.

Labo askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhintay burburka diyaaradan 7 kalena way ku dhaawacmeen sida ay qirteen ciidamada Yuhuuda.

Saraakiisha Israel ayaa waxay ku sheegeen arrintan shil, iyagoo iska fogeeyay haddii diyaaradan ay soo rideen kooxaha iska caabinta Qasa, waana shilkii u horreeyay oo noociisa ah oo ay ciidanka Israa’iil kala kulmayaan Qasa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gantaal uu ku dhacay kaasoo noociisu yahay lidka diyaaradaha gaar ahaan qoriga loo yaqaan 9K-32 oo Ruushku soo saaro.

Related posts

Madaxweyne Kagame oo ka laabtay go’aan uu horey ugu dhawaaqay kana hadlay Sababta

Cabdi Cade

Itoobiya oo shaacisay iney soo riday dayuurad hub ka dejineysay Magaalada Makelle

Caydiid Ali

Faahfaahin: Qarax ka dhacay guri lagu diyaarinayey oo Muqdisho ku yaalla (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---