Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Qarax ka dhacay guri lagu diyaarinayey oo Muqdisho ku yaalla (Sawirro)

Qarax xooggan ayaa maanta barqadii ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo si weyn looga maqlay meelo badan oo ka tirsan caasimada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay guri lagu diyaarinayey oo ku yaalla xadka degmooyinka Dharkeynley iyo Kaxda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la rumeysan iney ku dhinteen raggii guriga ku dhex diyaarinayey oo aan tiradooda la ogeyn, waxaana meydkooda oo jarjarmay laga helay guriga iyo agagaarkiisa.

Sidoo kale qaraxan ayaa burbur baaxad leh u geystay dhismaha lagu diyaarinayey oo ahaa guri weyn, waxaana sidoo kale qaraxaas uu waxyeelo u geystay guryo kale oo ku dhowaa.

Laamaha ammaanka dowlada Somalia iyo maamulada labada degmo ee Dharkeynley iyo Kaxda ayaa gaaray dhismaha uu ka dhacay qaraxan halkaasoo ay ka sameeyeen baaritaano inkastoo illaa hadda aysan wax war ah ka soo saarin.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA GURIGA

Related posts

Ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka oo la wareegay Balad Xaawo iyo Doolow

Cabdi Cade

Rag bastoolado & bambooyin ku hubeysnaa oo goor dhow Muqdisho lagu qabtay

Caydiid Ali

Shirka golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo Qodobada looga hadlayo oo lasoo bandhigay (Sawirro,l

Cabdi Cade
Taboola Ads ---