Madaxweyne Kagame oo ka laabtay go’aan uu horey ugu dhawaaqay kana hadlay Sababta

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay inuu mar afraad u tartami doono doorashada madaxtinimada ee sanadka soo socda.

“Haa, runtii waxaan ahay musharax,” Mr Kagame ayaa sidaa u sheegay majaladda afka Faransiiska ku hadasha ee Jeune Afrique Talaadadii shalay.

Mr Kagame oo wax laga weydiiyay sida ay reer Galbeedku u arki karaan go’aankiisa uu mar kale isku soo sharaxayo ayaa waxa uu yiri “Waan ka xumahay, laakiin waxa ay reer galbeedku aragtidoodu tahay ma ahan dhibkeyga”.

“Waan ku faraxsanahay kalsoonida ay reer Rwanda igu qabaan, mar walba waan u adeegi doonaa, inta aan awoodo.”

Mr Kagame ayaa bishii Abril ku kaftamay in uu rajaynayo in uu shaqada ka fadhiisto oo uu xilka wareejiyo kadib 23 sano oo uu xilka hayay.

Madaxweyne Kagame waxa uu madaxweyne ka ahaa dalka Bariga Afrika ku yaalla tan iyo 2000. Afti muran dhalisay oo dhacday 2015-kii ayaa meesha ka saartay xaddidaadda dastuuriga ah ee labada xilli ee madaxweynaha.

Wuxuu ku guuleystay doorashadii ugu dambeysay ee 2017, isagoo helay 98.8% codadkii la dhiibtay.

Rwanda intii uu xilka hayay Madaxweyne Kagame waxay ku jirtay xasillooni siyaasadeed, balse dadka dhaleeceeya iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay dowladdiisa inay xaddiday xorriyadda siyaasadda isla markaana ay caburinaysay mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -