Yaa badiyey Xulalka Qaranka Somalia & Itoobiya oo galabta wada ciyaaray?

Xulka Qaranka Soomaaliya ee 23 jirrada ayaa maanta la ciyaaray dhiggooda Itoobiya lugta koowaad ee isreeb-reebka koobka 23 jirrada qaaradda Africa, waxaana ciyaartan ay ka dhacday magaalada Addis ababa.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay galabta ciyaar wanaagsan, hase ahaatee natiijada ayaa noqotay in xulka Itoobiya ay 4-0 kaga badiyaan xulka Somalia.

Guuldarada xulka Somalia loo saariyey galabta ayaa mid Soomaalida aan lama filaan ku noqonin, maadaama ciyaartoyda Soomaalida ku metela tartamada dibeda looga bartay guul darooyinka noocan ah.

Lugta labaad ee ciyaarta xulka labada kooxood ayaa isla toddobaadkan ka dhici doonta Jabuuti oo Soomaaliya u ah HOME.

Ciyaartan ayaa aheyd wajiga koowaad ee seddex waji oo loo marayo isreeb-reebka ka qeyb-galka tartanka 23 jirrada xulalka Africa oo sanadka dambe ka dhici doona Masar.

Tartankaasi waxaa ka qeyb-geli doona 8-da dal ee isreeb-reebkan kasoo baxa.

Koobkaasi xulka ku guuleysta, kan kaalinta labaad gela iyo kan kaalinta seddexaad gala, ayaa noqon doona seddexda dal ee qaaradda Africa uga qeyb-geli doona tartanka Olmobikada adduunka ee 2020-ka lagu qaban doono Japan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -