Taliska Booliska K/Galbeed oo amar culus ka soo saaray Magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Booliska K/Galbeed Col. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa soo saaray digniin ku socota Ciidamada amniga ee ku sugan Baydhabo.

Col.Mahad ayaa amar ku siiyey ciidamada K/Galbeed inay ka fogaadaan kala taageerida musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee u taagan doorashada Madaxweynaha.

“Askarigii lagu arko isagoo taageero u muujinaya musharax gaar ah tallaabo adag ayaa laga qaadi doonaa ama shaqadiisa ayuuba ku weyn doonaa” ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Booliska ay mamnuuc ka tahay iney dhex galaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isagoo xusay in waajibaadkoodu yahay oo kaliya iney sugaan amniga guud.

Diyaar-garow loogu jiro doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka socda magaalada Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -