Israel oo weerarkii ugu dhimashada badnaa 20 sano ka geysatay Qaza (Sawirro)

Maleeshiyada Falastiiniyiinta ee Qaza ayaa gantaalo ku jawaabay ka dib markii ciidamada Israa’iil ay qaadeen duqeymo cirka ah iyada oo xiisada ay cirka isku sii shareertay kadib weerar ay Israa’iil ka fulisay Daanta Galbeed ee la haysto oo ay ku dishay sagaal falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan ugu yaraan 7 dagaalyahan iyo haweenay 61 jir ah.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee hal mar ka dhaca dhulkaas in ka badan labaatan sano. Qalalaasaha ka dhashay rabshadaha ayaa tijaabo hore u ah xukuumadda midigta fog ee Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, waxayna mugdi gelinaysaa safarka la filayo in xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu ku tago gobolka toddobaadka soo socda.

Shan ka mid ah gantaallada lagu soo riday Israa’iil, saddex ka mid ah waa la qabtay, mid wuxuu ku dhacay meel bannaan, mid kalena wuxuu ku dhacay gudaha Qaza, sida ay ciidamadu sheegeen.

Israel Waxay sheegtay in duqeynta lala beegsaday goob gantaalada dhulka hoostiisa ah lagu sameeyo oo Xamaas ay leedahay iyo sidoo kale goobo lagu tababaro maleeshiyaadka.

Gantaalaha falastiiniyiinta iyo duqeymaha Israa’iil labaduba waxay u muuqdeen kuwo xaddidan si looga hortago in uu dagaal qarxo. Israa’iil iyo Xamaas waxa dhexmaray afar dagaal iyo dhawr iska horimaad oo yaryar tan iyo markii kooxda mayalka adagi ay awoodda Qaza kala wareegtay ciidammada Falastiiniyiinta ee iska soo horjeeda sannadkii 2007-dii.

Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Khamiistii ka dhacay xerada qaxootiga ee Jenin ayay u badan tahay in uu dib u dhac ku yimaado jimcihii iyadoo Falastiiniyiintu ay isugu soo baxayaan tukashada salaada todobaadlaha ah ee muslimiinta oo inta badan ay daba socdaan mudaaharaadyo. Xamaas ayaa horey ugu hanjabtay inay ka aargudan doonto duulaanka.

Barbara Leaf, oo ah dublamaasiyadda ugu sarraysa Maraykanka ee Bariga Dhexe, ayaa sheegtay in maamulka Biden uu aad uga walaacsan yahay xaaladda iyo in dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay Jenin ay ahaayeen “mid laga xumaado.” Laakin waxa ay sidoo kale sheegtay in ku dhawaaqista Falastiiniyiinta ee ah in ay hakiyeen xiriirkii amniga iyo in ay arrinta ka daba tagaan hay’adaha caalamiga ah ay tahay qalad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -