Musharaxiin uu ku jiro Abuu Mansuur oo maanta la kulmay Rai Zenenga (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kulan ku yeeshay qaar kamid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wafdi ka socday Qaramada Midoobay.

Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Rai Zenenga oo maanta Baydhabo tagay ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wafdiga Qaramada Midoobay iyo Musharaxiinta ayaa kawada hadlay dar dar galinta doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo sidii doorashada u noqon laheyd mid ku dhacda si daah furnaan oon ku jirin cabsi galin .

Ku xigeenka Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Mr. Zenenga ayaa balan qaaday in ay Qaramada Midoobay ay taageere ka geysaneyso geeddi-socodka doorashooyinka,isla markaana ay garab siin doonto Masuulka loo doorto Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Musharaxiinta kulanka ka qeyb galay ay ku jireen Abuu Mansuur, C/Casiis Lafta Gareen iyo Taliyihii hore ee Hay’ada NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa dhankooda sheegay in ay ku qanci doonaan natiijada doorashada kana shaqeyn doonaan xasiloonida.

Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo horey loo qorsheeyay in ay dhacdo 17-ka bishan oo afar maalin ka harsan tahay ayaa u muuqata mid aan ku dhici karin xiligii loo qorsheeyay, lamana oga wali xiliga rasmiga ah ay dhici doonto doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -