Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ciro oo dhaqan geliyey Miisaaniyad ku dhow afar Trilyan

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/GW/081-050/012025     ku soo saarey Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2025-ka

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2025-ka,

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲:   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲:     Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐚𝐲:      Go’aanka Ansixinta Golaha Wakiillada (Go’aan Lr; GW/KF-10/06/2025) ee summaddiisu tahay Ref; GW/G/14-10/06/2025, kuna taariikhaysan 25/01/2025, ee Miisaaniyad Sannadeedka 2025-ka;

𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐒𝐨𝐨-𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲;

Dhaqan-galkan oo lagu baahinayo Miisaaniyad Sannadeedka 2025-ka oo qaddarkeedu dhan yahay SL.SH/=3,894,462,279,363 (Saddex Tirilyan, Siddeed Boqol iyo Afar iyo Sagaashan Bilyan, Afar Boqol iyo Laba iyo Lixdan Milyan, Laba Boqol Sagaal iyo Toddobaatan Kun, Saddex Boqol iyo Saddex iyo Lixdan Shillin Somaliland ah).

𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhex bilowday Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya

Caydiid Ali

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Farantz Celestin (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Mareykanka oo Malaayiin Dollar ku taageertay ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---