Dil iyo Dhaawac Muqdisho loogu geestay Shaqaale katirsan Shirkada Hormuud

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay dil iyo dhaawac u geesteen labo nin oo la sheegay in ay katirsanaayeen Shaqaalaha Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Sida aan Wararka ku helnay Shaqaalaha Shirkada Hormuud ayaa la weeraray xili ay doonayeen in Masaajid kuyaala Baar Ubax ku dukadaan Salaada Duhur, waxaana goobtaasi lagu dilay nin kamid ahaa Shaqaalaha Hormuud halka mid kalana la dhaawacay.

Ninka la dilay ee katirsanaa Shaqaalaha Hormuud ayaa magaciisa lagu sheegay Daahir Nuur Karaane, waxaana goobta dilku ka dhacay ka baxsaday dableydii hubeesneyn ee beegsatay shaqaalaha Hormuud.

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada dilkan loo geestay shaqaalahan katirsanaa Shirkada Hormuud, waxaana dhawaan sidaan oo kale Muqdisho loogu dilay nin kale oo katirsanaa Shaqaalaha Hormuud kaas oo isna la dilay xili uu Masaajid kasoo baxay.

Dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar lagu wareeraa cida fulisa, waxaana  la sheegaa in ay jiraan kooxo kala duwan oo qeyb ka ah amaan darada Muqdisho kuwaa oo xiliyada qaar dila ganacsatada, shaqaalaha Shirkadaha iyo dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -