Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Galmudug oo qaaday talaabo lagu diirsaday (Sawirro)

Taliska  qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka ee ka Howlgala degaanada Galmudug ayaa maanta ku baxay degaanka Hardis oo qiyaastii 25-Km Galbeed kaga beegan degmada Balambael, halkaasoo dhowaan dagaal uu ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed.

Gaashaanle Dhexe C/qaadir Maxamed Cartan Taliyaha Howlgalada Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamadu halkaasi ay ku bexeen, si ay u kala dhexgalaan dadkii deegaankaasi ku dagaalamay, ayna u xaliyaan dagaalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in Taliska ciidanka Xoogga dalku uu amray in dadkaasi la kala dhexgalo, si Dagaal dambe uusan halkaasi uga dhicin.

Deegaanada Ciidamada Xoogga loo diray ayaa waxaa ku sugan Dad Reer Guuraa ah, kuwaasoo halkaasi ku dagaalamay, waxaana Dagaalka uu salka ku hayaa aanooyin hore iyo muran ka taagan dhul daaqsiimeed, waxaana talaabadan soo dhoweeyey shacabka ku dhaqan degaanada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil ka socota Mareykanka oo soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

UK oo baaq u dirtay Muuse Biixi kaddib guuldaradii Somaliland kasoo gaartay Laascaanood

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey dabkii qabsaday Suuq ku yaalla isgoyska Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali