Fiqi oo la kulmay waalidiin ka walaacsan wiilashooda oo Eritreya loo qaaday (Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Axmed Macalin Fiqi, maamulka degmada Gaalkacyo iyo taliyaasha hey’adaha amniga ayaa galabtay Kulan kula qaatay magaalada Gaalkacyo waalidiin isugu jira hooyooyin iyo aabayaal maalmahan danbe ka cabanayey caruurtoodii oo askar ahaan dalka dibadiisa loogu qaaday sanadkii hore bilowgisii.

Waalidiinta ayaa wasiirka u sheegay in wiilashoodii aysan war iyo wacaal ka haynin tan iyo sidii Eritrea loogu qaaday bishii Febraayo 2020, sidoo kalena ay welwel badan ku dhalisay wararka baraha bulshada lagu wareejinayo oo tilmaamaya in wiilashoodii ay ka qeybgaleen dagaalada Ethiopia ka dhex socda, sidaas awgeed waxay Dawladda Galmudug iyo madaxdeeda ka dalbadeen in ay ka geystaan kaalinta uga aadan sidii wiilashooda xogta ku saabsan ee saxda ah ay ku heli lahaayeen sida ugu dhaqsaha badan.

Wasiir Fiqi ayaa waalidiinta u sheegay inuu la wadaagayo dareenka ka muuqda, ayna ku dedaalayaan sidii caruurtooda xog looga heli lahaa.

“Dhammaanteenna waxaan nahay waalid wax dhaley oo og xanuunka iyo welwelka uu leedahay haddii caruurteena aan weynno ama war dhiilo leh laga soo sheego. Sidaas awgeed ay Dawladda Galmudug iyo madaxdeedu u hawlgali doonaan sidii xogta rasmiga ah ee la xiriirta wiilashiina aad u heli lahaydeen, waxaan la xiriiri doonaa hey’adaha Dawladda Federaalka ee ku shaqada leh ama haya xogta ku saabsan wiilashaas” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Dowlada Somalia ayaa beenisay wararka sheegaya in askar tababar u joogay Eritreya laga qeyb galiyey dagaalka Itoobiya ku qaaday gobolka Tigray, hase ahaatee waalidiin badan oo shaki badan qaba ayaa doonaya iney helaan xogta saxda ah ee ku saansan halka ay ku dambeeyeen caruurtooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -