Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Sida maanta looga ciiday magaalooyinka Jilib iyo Galhareeri

Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalooyin iyo deegaano ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada kooxda Al Shabaab, xili inta badan dalka iyo wadamo badan oo caalamka kuyaala ay maanta sooman yihiin.

Xarakada Al Shabaab ayaa shaacisay xalay in bisha la arkay ayna maanta tahay maalinta koobaad ee ciidul fidriga, waxaana maanta deegaanada Al Shabaab maamulaan looga ciiday si weyn iyadoona dadku ku dukadeen goobo barxado ah.

Magaalooyinka maanta sida weyn looga ciiday ayaa waxaa kamid ah magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe iyo magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, waxaana goobo fagaare ah isugu soo baxay dadka kunool magaalooyinkaasi.

Deegaanada Al Shabaab ee maanta laga ciiday ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay fantasyo ay sameenayeen dagaalyahanada Al Shabaab iyo shacabka kunool deegaanadaasi kuwaa oo ku faraxsanaa ciida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiir Carbeed oo Iibsaday Koox kubada cagta oo Neceb Muslimiinta iyo Dalalka Carabta

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada oo xukun culus ku riday dabley ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Burcad dhac ka waday xaafado ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---