Banaan bax rabshado watay oo maanta ka dhacay Gaalkacyo (Daawo Sawirada)

Banaan bax rabshado watay ayaa maanta ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana banaan baxa looga soo horjeeday Xukun dil ah oo la sheegay in maamulka Puntland ku rideen nin kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo.

Dadka banaan baxa dhigayay oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa xiray qaar kamid ah wadooyinka, waxa ayna gubayeen taayaro iyo agabyo kale, waxaana banaan baxayaasha ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah Puntland.

Banaan baxayaasha ayaa ka codsaday Puntland in ay soo deyso Cabdirasaaq Xuseen Tahliil oo ay sheegeen in uu ahaa ganacsade aan dambi laheyn, waxa ayna cadeeyeen dibad baxyaasha in ay aad uga xun yihiin xukunka dilka ah ee ninkaasi lagu riday.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa mudo kahor magaalada Gaalkacyo ka fuliyay howlgal ay ku qabteen Cabdirasaaq Xuseen Tahliil , waxaana ninkan Puntland ku eedeesay in uu katirsanaa Al Shababa uuna geestay falal dambiyeedyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -