Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray magaalada Baydhabo (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaaray Wafdi ka socday Qaramada Midoobay, waxa ayna Wafdigan la kulmeen Madax katirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga gaaray magaalada Baydhabo waxaa hogaaminayay Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan  Soomaaliya Rai Zenenga, waxa ayna Wafdigan la kulmeen ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna .

Qaramada Midoobay iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kawada hadlay arimo ay kamid ahaayeen dar dargalinta doorashada Mdaxaweynaha Koonfur Galbeed iyo sidii doorashadaasi ugu dhici laheyd si nabdoon.

Doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaaa horey loo qorsheeyay in ay ku dhacdo 17-ka bishan , hasa ahaaee waxaa muuqata in xiligii loo qorsheeyay aysan doorashada ku dhici karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqolaal askari oo ku dhintay xero uu tababar uga socday & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Xildhibaanada Aqalka Sare oo diiday ka qeyb galka furitaanka kalfadhiga golaha shacabka

Caydiid Ali

 Dugsiga Amiin Quran Online oo fursad waxbarasho oo qaaliya u haya qurbajoogta Soomaliyed iyo Carruurtooda.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---