Raga bidaarta leh ee kunool Soomaaliland oo xal loo helay (Daawo Sawirada)

Bidaarta oo siyaabo kala duwan u gasha raga iyo dumar ayaa dhibaato xoogan waxa ay ku heysay dhalinyarada, waxa ayna taasi keentay in dadka qaar dibadda u aadaan sidii bidaarta gashay xal loogu heli lahaa looguna beeri lahaa timo cusub.

Inta badan raga Soomaaliyeed ee dhibaatada xoogan ku qabay bidaarta ayaa u dhoofi jiray wadamo uu Turkigu ugu horeeyo si timo loogu beero meeshana uga baxdo bidaartii murugta iyo walbahaarka ku heysay.

Deegaanada Soomaaliland iyo guud ahaan gayiga Soomaaliya waxaa kunool dad badan oo dhibsaday bidaarta ay leeyihiin, waxaana dadkaasi qaarkood aysan awood u laheyn in Turkiga iyo wadamo kale u aadaan in bidaarta gashay xal loogu helo.

Magalaada Hargeysa ayaa markii ugu horeesay laga furay xarun ay ka howl galayaan dhaqaatiir Turki ah oo beeraya tinta, waxaana xaruntaasi tagay rag bidaar gashay oo doonayay in tin cusub loogu beero meelaha bidaarta ka gashay.

Shidane Axmed Shidane oo kamid ahaa raga bidaarta dhibaatada ku heysay ayaa maalmop kahor Hargeysa u tagay sidii bidaarta gashay xal loogu heli lahaa looguna beeri lahaa timo cusub, waxa uuna ninkan Hargeysa dib uga laabanayaa isaga oo tin leh.

“Meeshu way bannaaneyd markii hore, haddana waa idinkaas arkaya iney timo ku yaallaan. Tintu mid kale ma aha waa tinteydii oo la soo qaaday oo horay la keenay. Alle ayaa mahad iska leh, Shidane oo oday ah ayaa yimid, haatanna waxaad u jeeddaan Shidane oo dhallinyaro ah” ayuu yiri Shidane isagoo dhoolla caddeynaya farxadna ay ka muuqato.

Magaalada Muqdisho ayaa horey sidan oo kale looga hirgaliyay xarumo tinta loogu beero raga iyo dumarka bidaarta leh, waxaana rag badan oo bidaarta dhib ku qabay ama koofi ku qarinayay hada noqday kuwa ku xarakooda tinta cusub ee loo beeray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -