Allbanaadir.com
NEWS

Sare u kac ku yimid Fiisaha dalka Kenya ka dib shirkad loo xiray

Caqabad xooggan ayaa soo wajahday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safra dalka Kenya ka dib markii ciriiri xoogan iyo lacago dheeri ah lagu daray qiimaha Viisaha ama dal ku galka Kenya.

Viisaha dalka Kenya oo markii hore dadka ku heli jireen lacag 70 illaa 100 dollar ah ayaa hadda laga dhigay lacag ka badan 200 dollar, kaddib markii loo xiray Agency ama shirkad Soomaali ah oo ay sameysteen masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia.

Culeyska dhaqaale ee ku yimid Viisaha Kenya ayaa bilowday ka dib kulamo magaalada Nairobi ku dhexmaray Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle & Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget iyo Xoghayaha Amniga GudahaMudane Thomas Saka.

Agaasime Dhuxulow oo tan iyo wixii ka dambeeyey 17-kii Apriil ku laalaabanayey Kenya ayaa masuuliyiinta socdaalka dalkaas ka dhaadhiciyey in Viisaha Kenya dadka doonaya ay u maraan Agency Soomaali ah oo isagu uu ku lug leeyahay isagoo ku andacoonaya si looga hortago kuwa ku lugta leh arrimaha tahriibka iyo argagaxisada.

Agency-ga loo xiray Fiisaha Kenya oo shaqadiisa bilaabay ayaa lacago labo jibaar ah dulsaaray dadka doonaya iney qaataan fiisaha Kenya oo xitaa ay ku jiraan kuwo wata baasaboorka Service-ka ee la siiyo shaqaalaha dowlada Somalia.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay talaabadan ayaa ah in dhaqaale laga sameeyo dadka Soomaalida ah ee u safraya Kenya kaasoo ku dhacaya jeebka shaqsiyaad ka tirsan mas’uuliyiinta sare ee heyadda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget, ayaa xaqiijisay ballanqaadka Kenya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hagaajinta wada-shaqeynta socdaalka ee labada dal, iyadoo ugu dambeyn ogolaatay in qorshaha ah n dalabka Fiisaha Kenya loo maro agency Soomaali ah.

Talaabadan ayaa culeys ku ah dadka Soomaaliyeed oo arrimo Caafimaad iyo dano kale ugu safri jiray dalka Kenya, kuwaasoo horeyba u heysteen duruufo dhaqaale oo la xiriirta xaaladaha adag ee ka jira dalka, waxaana xusid mudan in dadkaas horey loogu qaaliyeeyey qiimaha tikidhaha lagu raaco dayuuradaha Kenya.

Related posts

Daawo:-Khilaaf xoogan oo ka taagan qaabka loo soo xulayo mudanayaasha Somaliland ku matalaya Baarlamaanka Cusub !!

admin

Sawirro” Madaxweyne Xasan Sheekh oo Culimada Koonfur Galbeed kala hadlay Labo arrin

Cabdi Cade

Sidee Madaxweyne Farmaajo & wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---