Qarax ayaa laga maqlay Magaalada Muqdisho kaasoo la soo sheegayo inuu ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya iyo geeska Afrika
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu yimid ka dib Boorso la soo geliyay walxaha qaraxa oo la dhigay meel u dhaw masaajidka cowska ee suuqa Bakaaraha ay qaraxday.
Xiligaas ciidamo ka tirsan kuwa amaanka DF ayaa la soo sheegayaa iney howlgalo ka wadeen goobtaas
Sida aan wararka ku helnay Qaraxan waxaa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay haweeney mareysay nawaaxiga halka qaraxa uu ka dhacay.
Qaraxyada Muqdisho ka dhici jirey ayaa mudooyinkan hoos u dhacay ka dib dedaalo badan oo ay sameeyeen ciidamada amaanka DF kuwaasoo ka hortagay qaraxyo dad badan galaafan karay.