Jubbaland oo si kulul uga jawaabtay qoraaladii ka soo kala baxay DF & beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland Xamza Cabdi Barre ayaa jawaab kulul ka bixiyey qoraalo shalay ka soo kala baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo wakiilka QM James Swan.

Xamza Cabdi ayaa sheegay in Wasaarada arrimaha gudaha aysan wax door ah uga banaaneyn doorashada Jubbaland, isagoo xusay in  doorashadii guddoonka Baarlamanka Jubbaland ee Kismaayo lagu qabtay shalay ay u dhacday si cadaalad ah.

“Doorashooyinka iyo habraacyada dowlad goboleedyada habka ay isku dooranayaan wax kama khuseeyo dowlada dhexe, Dastuurka Qaranka ayaana siinaya oo ay isticmaalayaan ilaa la is waafajinayo dastuurka Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada” ayuu yiri Xamza.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay qoraal ka soo baxay beesha Caalamka oo walaac looga muujiyey wixii shalay ka dhacay Kismaayo, iyagoo sidoo kale digniin ku bixiyey ineysan aqoonsan doonin natiijada doorashooyinka Jubbaland inta laga fulinayo talooyinkii ay siiyeen guddiga doorashada.

“Beesha caalamka dadka Soomaalida ah amar kuma laha, waxay nagu leedahay talo oo kaliya, Soomaaliya waa dowlad xor ah oo madax banaan Soomaalidana iyagaa laga rabaa iney heshiiyaan oo ay wada hadlaan” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre.

Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa wajahaya culeyso kaga imanaya beesha caalamka, dowlada Soomaaliya iyo musharaxiin mucaarad ah, waxayna dhamaantood diidan yihiin sida doorashada loo maareynayo iyo qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashooyinka Jubbaland oo lagu eedeynayo iney u xaglinayaan Axmed Madoobe oo mar kale doonaya inuu ku soo baxo xilka ugu sareeya Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -