Amaro adag oo la siiyay Taliyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa amaro adag siiyay taliyaasha saldhigyada booliiska degmooyinka gobolka Banaadir si amaanka caasimada loo xoojiyo.

Waxa uu faray Wasiirka Amniga Taliyaasha saldhigaya in ay si wanaagsan uga soo dhalaalaan waajibaadka loo xil saaray ,si wax looga qabto amni darada mararka qaar magaalada Muqdisho ka dhaca.

Wasiirka Amniga ayaa amar ku siiyay taliyaasha booliiska saldhigyada Muqdisho in ay si adag uga shaqeeyaan adkeynta amaanka, waxa uuna sheegay in lala xisaabtami doono cidii ka gaabisa shaqada loo igmaday.

Mr Ducaale ayaa sheegay in muhiim tahay in wada shaqeyn wanaagsan dhax marto booliiska iyo shacabka Muqdisho si looga hortago falalka amni daro ay maleegayaan kooxaha dowlada kasoo hporjeeda.

Dowlada Soomaaliya ayaa amaro adag soo saarta marka ay dhacaan qaraxyo iyo dilal qorsheesan , mana jirto inta badan cid qaada masuuliyada qaraxyada iyo falalka kale ee amaan daro ee ka dhaca Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -