Madaxweyne Muuse Biixi oo Xil Muhiim ah u magacaabay Cabdi Maxamed Rodol

Madaxweynaha Cusub ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada maamulka Somaliland.

Wareegta kasoo baxday Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu magacaabay Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, in uu noqdo Maareeyaha Cusub ee Hay’adda Duulista maamulka Somaliland.

Halkan ka Akhriso Digreeta Muuse Biixi kasoo baxday

Xafiiska Madaxweynaha

Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -