Xogta dadka Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalka Tanzania oo la aruurinayo

Safaaradda dowlada Federaalka Soomaaliya ku leedahay dalka Tanzania ayaa shaacisay in ay furtay gal ay ku uruurinayso xogta tahriibayaasha ku jira xabsiyada dalka Tanzania una baahan in loo fududeeyo sidii dalkooda dib loogu celin lahaa.

Qoraal kasoo baxay Safaarada Soomaaliya ee dalka Tanzaaniya ayaa lagu wargaliyay waalidiinta iyo ehelada dadkooda ku xir xiran yihiin dalka Tanzania in ay soo gudbiyaan magacyada iyo xogaha dadkooda ku xiran gudaha Tanzania.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Safaarada

afaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania iyo muwaadiniita gudaha dalka ama dibaddiisa ku nool in Safaaraddu furtay gal ay ku uruurinayso xogta tahriibayaasha ku jira xabsiyada dalka Tanzania una baahan in loo fududeeyo sidii dalkooda dib loogu celin lahaa.
 
Waxa Waalidiinta Tahriibayaasha ka xiranyihiin ka codsaneynaa in ey nala wadaagaan xogtan hoos ku qoran:-
 
1- Magacaaaga Waalidka oo dhameeystiran
2- Magaca Tahriibaha oo saxda ah ama Magaca oo ku xiranyahay
3- Teleefoonka Waalidka
4- Faafaahinta (ku soo gudbi xogta qofka Tahriibaha ah, Sawirkiisa , Goobta iyo Goorta la xiray )
 
Fadlan noogu soo dir hab Email ah fariintaada, adiga oo ku soo hagaajinaya: daressalaamembassy@mfa.gov.so
 
Mahadsanidiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -