Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Museveni oo cudur ku dhacay iyo dowladda oo War kasoo saartay xaaladiisa

Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa sheegaya in madaxweynaha dalkaasi, Yoweri Museveni laga helay cudurka Covid-19 , sida laga soo xigtay masuul sare oo katirsan wasaaradda caafimaadka dowladda Uganda.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda caafimaadka Uganda , Diane Atwine ayaa sheegtay in madaxweynaha laga helay Covid-19, waxa ayna intaa ku dartay in xaalada madaxweynaha hadda tahay mid wannaagsan uuna wato shaqadiisa.

“Madaxweynaha waxaa laga helay cudurka COVID-19. Tani waxay ahayd kadib markii ay soo baxeen astaamo u eg hargab fudud. Si kastaba ha ahaatee caafimaadkiisu waa wanaagsan yahay, wuxuuna ii si caadi ah u gudan doonaan waajibaadkiisa” ayey tiri Diane Atwine.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa shalay oo Arbaco aheyd mar uu khudbad ka jeedinayay xarunta baarlamaanka sheegay in uu dareemayo qabow iyo qunfac uuna shaki ka qabo in uu ku dhacay cudurka Covid-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Nasiib daro ku tilmaamay carqaladeynta Farmaajo ku hayo Doorashada

Cabdi Cade

Guddigii lagu muransana ee doorashada oo War ka soo saaray heshiiska lagu saxiixay Muqdisho

Caydiid Ali

Desalegn oo ka mid noqday rakaabkii u horeeyey ee u kala gooshay Addis ababa & Asmara (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---