Feysal Cali Waraabe: “Inanka yar ee Farmaajo la yiraah waa kaasoo Itoobiya naga xiray”

Eng. Feysal Cali Waraabe oo ah Guddooomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa ku tilmaamay madaxda dowlada Somalia dhalinyaro da’ yar oo danaha shacabka Somaliland si fudud u baabi’inaya.

Waxa uu sheegay Eng. Waraabe in Somaliland  ay muddo dheer raadinaysay aqoonsi balse ay waysay haatana siyaasada arrimaha dibbeda ay kaga horeeyaan dadka ku nool Koofurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayuu ku sifeeyey inuu yahay inan yar oo ka xirey shacabka Somaliland xiriirkii dowlada Itoobiya.

“Inanka yar ee Farmaajo ah oo isaga oo 15 jir ah Mareykanka tegay waa kaas maanta Itoobiya  inaga xiray, intaan anagu isku jeedno,” ayuu yiri Feysal Cali waraabe oo ah siyaasi looga bartay hadalo xanaf leh oo muran badan dhaliya.

Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isbedel ku sameeyey siyaasadii uu dalkiisa kula macaamili jiray maamulada ka jira Soomaaliya wuxuuna xusay iney la hadlayaan oo kaliya dowlada federaalka ayna ilaalinayaan madax banaanida iyo qaranimada Somalia taasoo dhabarjab ku noqotay Somaliland iyo dowlad goboleedyada kale ee ka jira dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -