Carab heesta Dhalashada Israa’iil oo fal caro badan dhaliyay ka sameeyay dalka Turkiga

Nin Carab ah oo heesta dhalashda Israa’iil ayaa fal caro badan ka abuuray gudaha dalkaasi ku dhaqaaqay, waxaana durba ciidamada Amaanka Turkiga oo xiray ninkan u masaafuriyeen maamulka Israa’iil uu dhalashadiisa heesto.

Maxamed Nader Badrana oo heesta dhalashada Israa’iil ayaa muuqaal laga duubay isaga oo afka isaga tiraya lacagta liiraha Turkiga xili uu maqaayad ku sugnaa, waxaana muuqaalka ninkan oo lagu baahiyay baraha bulshada caro ka abuuray gudaha Turkiga.

Ciidamada booliiska dalka Turkiga ayaa durba howlgal ay sameeyeen kusoo xiray ninkan falka carada badan abuuray ,waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay astaanta Qaranka Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ninkan loo tarxiilay dalka Israa’iil uu dhalasho ka heesto, hasa ahaatee qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda Israa’iil ayaa lagu sheegay in ninkan wali ku xiran yahay gudaha Turkiga.

Ninkan laga tarxiilay dalka Turkiga ayaa wararku qaar sheegayaan in uu doonayay in uu ku maadeesto waxna u dhimo lacagta liiraha Turkiga oo hoos u dhac ku keenay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -