Amar cusub oo caawa ka soo baxay Maamulka gobolka Banaadir (Akhriso)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar cusub oo ku socda dhamaan Nootaayoyinka ka howlgala magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax dheere ayaa warbaahinta u sheegay in dowlada hoose ay ku wargelineyso Nootooyooyinka kala wareejiya guryaha iney soo gudbiyaan aatooyinka la xiriira guryaha ay kala wareejiyaan.

Waxaa uu sheegay in amarkan ujeedadiisu tahay si loo xaqiijiyo bixinta canshuuraha guryaha la kala wareeejiyey sida uu qabo sharciga.

“Nootaayadii u hogaansami weyda amarkan ka soo baxay dowlada hoose waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri afhayeenka oo ugu baaqay masuuliyiinta degmooyinka iyo saraakiisha booliska iney dabagal ku sameeyaan fulinta amarkan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -