Allbanaadir.com
NEWS

Maxay tahay Malaayiinta Dolar ee DF ku wareejisay Puntland?

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda XFS C/qafaar Xaange ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradda Maaliyadda DFS ay Puntland u wareejisay lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan seddex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan  lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed.

Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan lacagahaas uu codsaday Madaxweynaha Puntland Saciid Deni in lacagahaas oo caddaan ah si toos ah loogu shubo khasnadq dowladda Puntland.

Puntland ayaa horey ugu eedeysay DF iney ka jaratay dhaqaalihii lagu kabi jiray Miisaaniyadda Maamulka ayna hor joogsatay mashaaruuc badan oo laga fulin lahaa degaanadeeda.

Deni iyo Xassan Shiikh ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf adag oo siyaadeed kaasoo gaaray geer warbaahinta la isku mariyo hadalo kulul, waxaana Puntland  15kii sano ee u dambeeyey caado u aheyd iney ka soo horjeesato madax kasta oo xilka ka qabata DF arrintaasoo lagu macneeyey sed bursi iyo damac dheeri ah.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY WASIIR XAANGE

Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Dawaldda Puntland u wareejisay (Fiscal transfer)  lacag dhan $6,348,826 (Lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan & lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed. Waxayna kala tahay sidaan soo socota:

2dii Julay 2024 waxaan wareejinay  $1,353,000,

3 July 2024, waxaan bixinay $3,500,000

Lacagaha kale ee wakhtiyo kala duwan la wareejiyay waa 1,495,826.

Wadarta lacagahaas waa $6,348,826 waana kab miisaaniyadeed ( budget support) oo si toos ah loo gaar siiyay khasnadda Dawladda Puntland.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka ( cash) toos loogu soo shubo  islamatkaasna wuxuu hor-istaagay in la bilaabo dhammaan mashaariicdii horumarinta ee waxtarka ulahaa deegaanada Puntland oo garaaya boqollaal Milyan oo doolar.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Sadex maalin oo Baroor-diiq Qaran ah

Cabdi Cade

War laga soo saaray shir lagu dhisayo Golaha maamulka iyo horumarinta Kalluumeysiga

Cabdi Cade

Booliiska dalka Kenya oo baadigoob ugu jira nin iska dhigi jiray wax uusan aheyn !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---