Allbanaadir.com
NEWS

DF oo soo saartay go’aano ka farxiyey Bajaajleyda (Daawo)

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Somalia iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa go’aano cusub ka soo saaray cabashada darawalada Bajaajta eela xiriirtay lacagta lagu helayo leysinka wadida gaadiidka.

Darawalada oo banaanbaxyo cabasho ah ka dhigay jidadka Muqdisho ayaa sheegay ineysan awoodin lacag ku dhow $300 oo laga qaado marka la dalbanayo leysinka gaadiidka.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliska booliska oo shir wadajir ah yeeshay ayaa soo saaray go’aanadan hoose:-

1) Lacagta Leysinka waxaa laga dhigay 106.5 halka markii hore cel celis uu ahaa $200

2) Hadii uu leysinka kaa dhaco 32 doolar hadii uu kaa lumana 20 dollar.

3) Mudada dhicista Leysinka oo markii hore aheyd sadex sano hadda waxaa laga dhigay 5 Sano.

4) Ganaaxa qofkii Leysin la’aan ah oo markii hore aheyd 50$ hadda waa 5$

5) Warqadda Caafimaadka oo markii hore aheyd 25 ilaa 30$ hadda waa 15$

6) Warqadda dhalashada iyo Sugnaanta waa 10$

Darawalada bajaajleyda ayaa si diiran u soo dhoweeyey go’aanadan oo ku soo aaday saacado ka dib markii Madaxweyne Xassan Shiikh u balanqaaday in wax laga qaban doono cabashada darawalada bajaajka.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID

Related posts

Deni oo ku laabtay Garowe & doorashadii xubnaha golaha shacabka oo..

Caydiid Ali

Al-Qaacida oo sii deysay Dhaqtar reer galbeed ah oo todoba sano u afduubnaa (Sawirro)

Caydiid Ali

Ayatollah Khamenei oo ansixinaya Madaxwerynaha KMG ee Iran iyo Muddada uu xilka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---