Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska dalka Kenya oo baadigoob ugu jira nin iska dhigi jiray wax uusan aheyn !

Maxkamad kutaalla dalka Kenya ayaa waaran soo qabasho ah u jartay nin lagu eedeeyay in uu iska dhigi jiray qareen , isaga oon aheyn qareen sidoo kale aan heysan shahaadada laga rabo dadka noqda qareenka.

Ururka qareennada ee Law Society of Kenya (LSK) ayaa sheegay in ninkan booliiska baadigoobayaan uu iska dhigay qareen , isaga oon u qalmin in uu noqdo qareen ama aan heysanba sharciyad.

Saraakiisha dhinaca sharciga u qaabilsan dowladda Kenya ayaa ku booriyay ciidamada booliiska in ay soo qabtaan ninkan oo ku shaqeysanayay magaca beenta ah uu leeyahay qareen kale  “Brian Mwenda”.

Ninkan Kenyanka ah ee booliiska raadinayaan ayaa lagu sheegay in uu yahay nin iska dhige qareen  “Masquerade”, waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu xaday aqoonsiga qareenka dhabta ah, oo lagu magacaabo Brian Mwenda Ntwiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Isreal oo gudaha u galay Isbitaalka Gaza iyo falalkii ay ka sameeyeen

Cabdi Cade

Farmaajo oo hal ujeedo kaleh shirka uu ku baaqay ee ka dhacaya Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Tababar usoo Xiray Saraakiil Milatari (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---