Allbanaadir.com
NEWS

Fiqi oo dhaleeceeyey hadal uu baahiyey Safiirka UK ee Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa dhaleeceeyay hadal uu bartiisa Twitterka ku soo qoray Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis kaasoo ka dhan ah  midnimada Somalia.

Safiirka ayaa qabilay madaxa hay’ad arrimaha bani’aadanimada ka shaqeysa isagoo ku amaanay howlgalkeeda ku aadan Soomaaliya iyo Somaliland

Fiqi ayaa hadalka safiirka ku sifeeyey  kala qeybin dal midaysan

“Waa Wax aan sinaba loo aqbali karin, oo ka dhigan weerar bareer ah oo lagu hayo qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka oo daba socday hadalka Safiirka

Somaliland ayaa sheegata iney ka go’day Somalia inteeda kale ayna tahay dal madax banaan hase ahaatee ma jiro dal ka tirsan caalamka oo illaa hadda aqoonsaday, waxaana u diiwan gashan iney qeyb ka tahay Somalia.

Related posts

Somaliland oo si adag uga hadashay Heshiis ay gaareen Dowlada Federaalka iyo Q/M

Cabdi Cade

Dad carreesan oo gaari Ambalaas ah ku dhax dilay nin bukaan ah !

Cabdi Cade

Habraacii doorashada ee ay qorteen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo la tuuray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---