Habraacii doorashada ee ay qorteen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo la tuuray

Guddiga Doorashooyinka Federaalka ayaa gebi ahaan laalay habraacii doorashada Aqalka-sare ee Somaliland ee ay horay u qorteen Raisal Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.

War ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegey in habraacaasi keliya uu ku koobnaa doorashadii Aqalka-sare isla markaasna doorashada xubnaha Golaha Shacabka Somaliland lagu maamulayo habraaca maamullada kale.

Madaxda Somaliland ayaa loogu baaqay ineysan soo faragalin doorashada, isla markaana guddiga doorashada ay khuseyso doorashada, waxayna guddigu xuseen in  aan la aqbali karin wixii dhacay maalmo ka hor.

Go’aankan ayaa meesha ka saaraya saameyntii ay doorashada ku lahaayeen Raisal Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -