Ciidamada Isra’il oo dilay Sargaal katirsan Ururka Xamaas (Daawo Sawirada)

Ciidamada Isra’il ayaa xalay  dilay Sargaal sare iyo dagaal yahano katirsan Ururka Xamaas, kadib isku dhac xoogan oo ka dhacay bariga Deegaanka Khan Younis oo katirsan Marinka Gaza.

Iska hor imaad xoogan ayaa dhax maray xoogag katirsan Ururka Xamaas iyo Ciidamada Israa’il, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay Sargaal katirsanaa Ururka Xamaas iyo lix dagaalyahan oo iyana ururkaasi kamid ahaa .

Dowlada Isra’il ayaa dhankeeda qiratay in dagaalka ka dhacay Marinka Gaza looga dilay hal askari oo ciidankooda katirsanaa mid kalana looga dhaawacay, waxa ayna Israa’il dhankeeda sheegtay in Xamaas Khasaaro xoogan gaarsiisay.

Sargaalka laga dilay Ururka Xamaas oo ahaa Taliye guuto ayaa magaciisa lagu sheegay Nourreddin Mohamed Salama Barake, waxa uuna sargaalkan ahaa nin aad looga jeclaa gudaha Ururka Xamaas.

Afhayeen u hadlay Ururka Xamaas ayaa ku eedeeyay Ciidamada Isra’il in ay qaadeen weerar naxariis daro ah , waxa uuna Afhayeenka xusay in ay iska difaaceen weerarka khasaarana ku gaarsiiyeen Ciidamada Yahuuda.

Isra’il ayaa si joogta ah u wada dhibaateynta shacabka gumeesi diidka ee Reer Falastiin, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay Ciidamada Isra’il Marinka Gaza ku dileen dad badan oo shacab ah oo diidan in Isra’il xoog ku heesato dhulka Falastiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -