WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY WASAARADDA ARRIMAHA DIBEDA SOMALILAND
Hargeysa, Somaliland Ogoosto 13, 2024– Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in ay sii waddo heshiiska is-afgaradka ah ee ay la gashay Itoobiya.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay weli ku adkaysanaysaa in ay dhaqan gelinayso heshiiskii Is-faham ee Itoobiya. Waxaan si dhow ula soconnay wada-hadallada uu billaabay Turkiga oo ah dadaallo dhexdhexaadin ah oo u dhexeeya Maamulka Muqdisho iyo Itoobiya oo billowday Isniintii Agoosto 12, waxaa cad in wadahadallada aysan keenin natiijooyin la rabay.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcihii 9-kii bishan, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ku sheegay in hadafka laga leeyahay wada-hadallada uu yahay in la qaboojiyo xiisadda u dhexeysa maamulka Muqdisho iyo Itoobiya. Ku lug lahaanshaha Turkiga ee sii kordhaya ee arrimaha gobolka ayaa daliil cad u ah dhexdhexaadnimo la’aanta Turkiga oo ujeedkiisu yahay inay si toos ah u farageliyaan Is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyey isu soo bax laba maalmood ka hor ka dhacay magaalada Berbera, waxa uu farriin adag u diray dawladda Turkiga, waxaanu yidhi “Turkigu ma ixtiraamayo Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, Somaliland-na ma aqbali doonto in la xukumo Muqdisho.” Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay xaq u leedahay inay gasho heshiisyada caalamiga ah, sidaas darteed waxaanu u soo jeedinaynaa dawladda Turkiga iyo kuwa kaleba inaanay soo faragelin.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay weli ku adkaysanaysaa nabadda mandaqadda iyo wada shaqaynta ay la leedahay dalalka jaarka ah, hase yeeshee ma noqon doonto mid ku kacaysa Qaranimada Somaliland.
DHAMMAAD
HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA OO ENGLISH AH
HOOS