Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho ka dhacay qarax gaari lagu soo xiray mid kamid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa qarxay xili uu marayay Isgooska Siinay ee degmada Wardhiigley, waxaana qaraxan lala eegtay Maxamed Ibrahim Sheekh Cabdi oo la sheegay in uu katirsanaa shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa dhaawac culus uu kasoo gaaray Maxamed Ibraahim, waxaana dhaawaca ninkan loola cararay Isbitaalka Dugfeer ee magaalada Muqdisho oo lagu daweenayo.

Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca qaraxyada gaadiidka loogu xiro dadka dowlada u shaqeeya iyo dad kalaba, waxaana inta badan qaraxyadan waxyeelo kasoo gaartaa wadaha gaariga.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Odayaal kasoo jeeda Beesha Duduble oo hubka u qaatay in ay Difaacaan Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

OPEC iyo Ruushka oo hal arrin darteed ku heshiiyey inay yareeyaan wax soo saarka shidaalka

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Asmara (Asmara)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---