Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo gaaray Qaahira (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Safarkan ayaa ku salaysan martiqaad rasmi ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka helay walaalkiis Cabdulfataax Al-siisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Labada dal, iskaashiga difaaca iyo amniga Soomaaliya iyo Masar, danaha wadajirka ah iyo xaaladda gobolka.

Inta lagu guda jiro booqashadan, wafdiga dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doona Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan dawladda Masar.

Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siinayo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, iyo in labada dal ay guda galaan fulinta iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca, si loo wajaho khataraha argagixisada iyo duruufaha gobolka.

Related posts

Nin gabar 9 jir ah ku kufsaday Belad-weyne iyo Maamulka oo ka hadlay

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo Aqalka Dowlada Hoose kusoo dhaweeyay Justin Duo Gore (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeneydii ugu Horeesay oo kamid noqoneysa Aqalka sare oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---