Dowlad Carbeed oo Khuburo Farsamo u dirtay Garonka Kabul si ay u taageeraan Taliban

Koox Khubaro Farsamo oo u dhashay dalka Qatar ayaa waxay Maanta ka degeen Garoonka Diyaaradaha Hamid Karazai International Airport ee magaalladda Kabul, si ay Maamulka Daalibaan taageero uga siiyaan Dib-u-soo celinta Hawlaha Garoonka iyo Duullimaadyada Gargaarka u adeegsadan lahaayeen Garoonka.
 
Kulamada Khubarada iyo Daalibaan ayaana weli socda, iyagoo aan weli Go’aan ka gaarin Heerka Ammaanka iyo Hawlgallada Garoonka.
 
Hadafka Dowladda Qatar ayaa ah Soo-celinta Duullimaadyada Gudaha iyo Dibedda ee Garoonka Kabul ee Gargaarka Samafalka Aadminimo iyo sidii Xorriyadda Dhaqdhaqaaqa Ammaanka Garoonka.
 
Daalibaan waxay horey uga codsadeen Dowladaha Turkiga iyo Qatar inay gacan ka siiyaan Hawlaha Maamulka Garoonka Kaabul, balse, labada Dowladood weli si rasmi ah uma aqbalin Codsiga Daalibaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -