Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Akhriso) C/wali Gaas oo soo saaray Wareegto lagu magacaabay taliye cusub

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa taliye cusub u magacaabay ciidanka loo bixiyay xasilinta ee u xil-saaran sugidda amniga caasimadda Garoowe.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha oo ku taariikhaysan 11 November ee ku beegan Axadda maanta ah  ayaa taliyaha ciidanka xasilinta loogu magacaabay G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal.

Ciidanka la baxay xasilinta ee loo xil-saaray sugidda amniga magaalada Garoowe ayaa ka kooban laamaha Booliiska gobolka Nugaal iyo cutubyada sida gaarka ah u taba-baran ee PSF.

Wareegtada lagu magacaabay taliyaha cusub ayaa qorneyd sidatan:-

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa magacaabay Taliyaha Ciidamada Xasilinta Magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulkaasi.

Xeer Madaxweyne Lr.171 11 November, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Xasilinta Caasimada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xasilinta caasimada Puntland ee Garoowe.

Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade

Isaaq Cali Yaroow oo kasoo goostay Al Shabaab kana hadlay Sababta uu usoo baxsaday

Cabdi Cade

ECOWAS oo ku gacan seyrtay arrin ay soo jeediyeen Milateriga qabsaday xukunka Niger

Caydiid Ali
Taboola Ads ---