Ciidamada xoogga & kuwa Galmudug oo degaano hor leh kala wareegay Al-shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa galabta weerar qorshaysan ku qaaday Fariisimo Al shabaab ku lahaayeen degaanka Shabeeloow ee Koonfurta Gobolka Mudug sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Ciidamada ayaa la wareegay saldhigyadii Al shabaab ee deegaankaas, waxaana halkaas khasaare lagu gaarsiiyay kooxdas sida ay sheegeen saraakiisha hogaamineysa howlgalka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa howlgal balaaran oo ka dhan ah Al shabaab ka wada Koonfurta Gobolka Mudug, iyadoo ciidamadu la wareegeen Xarumo iyo degaano badan oo Al-shabaab gacanta ugu jiray.

Ciidamada huwanta oo dhinaca cirka uu ka taageerayey Maraykanka ayaa qabsaday maalmihii la soo dhaafay degaano ay ka mid yihiin Camaara, bacaadweyn, Qeycad iyo meelo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -