Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo looga digay in Khudbosiro ka dhigto wadahadallo ay la galayso Itoobiya iyo Al Shabaab

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowldda Federaalka Soomaaliya madaxdeeda qorsheynayaan in wadahadallo lagala yeesho dowladda Itoobiya heshiiskii is-afgaradka ahaa ee la gashay maamulka Somaliland.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sidoo kale iyana sheegaya in ay socdaan wadahadallo iyana dowladda la fureyso kooxda Al Shabaab ay dagaalka kula jirta, iyadoona wadahadalka la doonayo in dagaalka dheeraaday lagu soo gabagabeeyo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaana uga digay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay khudbosiro ka dhigaan wadahadalka ay la galayaan dowladda Itoobiya iyo sidoo kale kooxda Al Shabaab.

”Wadaxaajoodka Itoobiya lagala yeelanayo arrimaha Is-afgaradka, iyo wadahadalka la sheegay in kooxda argagexisada AS lala gelayo, waa in aysan noqon khudbosir qof kaligii go’aansado” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasigan ayaa sidoo kale ku baaqay in wadahadalka dowladda ay la fureyso Itoobiya iyo kooxda Al Shabaab  lagu wajaho talo qaran oo loo dhanyahay, sidoo kale shacabka Soomaaliyeed si daahfuran loola socodsiiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaana wali ka hadlin warkan soo baxaya ee sheegaya in wadahadallo qarsoodi ah la fureyso dowladda Itoobiya ay kala hadleyso heshiiskii ay Somaliland la gashay, iyo wadahadalka kale ee lala furayo kooxda Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Galmudug oo soo qabtay qaar ka mid ah dableydii leysay saraakiisha

Caydiid Ali

Labo ka mid ah safiirada Somalia u fadhiya dalalka Carabta oo lagu amray iney dalka soo galaan

Caydiid Ali

Dhaxal sugaha Sacuudiga oo lagu cadaadinayo dilka Wariye Jamal Khashoggi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---