Wasiirka amniga oo war cusub ka soo saaray amarkii ciidanka NISA ee garoonka Aadan cadde

Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sharaxaad ka bixiyey qoraal uu shalay soo saaray oo taliyaha KMG ah ee hay’adda Nabad Sugidda ku amray in garoonka dayuuradaha Muqdisho laga saaro ciidanka NISA, amnigana garoonkana lagu wareejiyo ciidanka booliska Soomaaliya.

Sababta arrintaas ka dambeysa ayuu wasiirku ku sheegay inay ku kaceen falal xadgudub ah oo ka dhan ah dadka ka soo dega iyo kuwa ka dhoofa garooma Aadan cadde.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal kooban oo uu sharaxaad kaga bixinayo amarka uu soo saaray.

“Isbedelka la xiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde wuxuu quseeyaa oo kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Dayuuradaha (Terminal ka), Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde” ayuu yiri wasiirka.

Taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey ayaan weli ka hadlin amarka ka soo baxay Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, iyadoo dad badan ay shaki gelinayaan fulinta amarkaas maadaama labada ay ka kala tirsan taageerayaasha Farmaajo iyo Rooble oo khilaaf adag uu u dhexeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -