Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyaha Xuutiyiinta oo ku goodiyey in la tirtirayo Israel

Hoggaamiyaha sare ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, Cabdimaalik Al-Xuuti ayaa markii u horreysay sheegay dib u dhaca duulaanka ballaaran ee aargoosi ah ee ka dhanka ah Israa’iil inay tahay arrin ku dhisan xeelad.

Wuxuu caddeeyay inay dhacayso oo weerar xooggan lagu qaadi doono Israa’iil, iyadoo diyaargarowga uu sheegay inuu ka socdo Yemen, Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan.

Waxaa uu tilmaamay inaysan jirin cid u caga-jugleyn karta ama ka hor istaagi karta inay qaadaan duulaanka jawaabta ah weerarradii u dambeeyay ee Israa’iil ay ku dishay hoggaamiyaasha sare oo uu ku jiro madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh.

Iran oo iskudaba-ridaysa duullaankii u horreyay oo ka dhanka Israa’iil, kaasoo noqon kara weerarkii ugu ballaarna ee taariikhda ay la kulanto Israa’iil, ayaa u muuqata inay marxaladan uga faa’iideysanayso hab diblomaasiyadeed

Waxaa saacadihii u dambeeyay soo shaac baxday waddada kaliya ee lagu joojin karo duulaankan inay tahay si dhammeystiran in loo joojinayo dagaalka Qasa, sida laga soo xigtay saraakiil Iiraani ah.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA, ayaa ku warrantay in nidaamka difaaca cirka lagu qalabeeyay aaggaga muhiimka ah ee guud ahaan Iran , tallaabadan oo ay ku sheegeen mid looga hortagayo iskuday kasta oo lagu weeraro

 

Related posts

Hooyo heysatay 8 caruur ah oo si bareer ah loogu dilay magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Somalia oo caawa ciyaaraysa kulankii ugu horeeyey isreeb-reebka Koobka aduunka

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo Digniin adag u diray qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---