Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay xeerka doorashooyinka Qaranka, kaa oo dhigaya in dalka ka dhacdo doorasho ka duwan kuwii horey u dhici jaray ee dadbanaa, lana qabto doorasho qof iyo cod ah.
Xeerkan maanta ansixiyeen golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa waxaa ku jira qodob quseeya maqaamka gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa, waxaana xeerkan ku jira in gobolka Banaadir yeelato guddoomiye gobol oo Madaxweynaha wareegto kusoo magacaabayo.
Xildhibaan Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku tilmaamay qodob kamid ah xeerka doorashooyinka ay maanta ansixiyeen golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya uu ku jiro qodob fajiciso iyo layaab ku noqotay,
”Waxaan si hordhac ah u akhriyay ‘HINDISAHA XEERKA DOORASHOOYINKA’ ee ay maanta ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, Qodobkiisa 22aad ee quseeya ‘Muqdisho iyo degmooyinka gobolka Benaadir’, waxay igu noqotay fajaciso iyo lama filaaan” ayuu yiri xildhibaanka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in aan la aqbali karin in maqaamkii caasimadda iyo gobolka Banaadir oo 30-ka sano la sugayay lagu bedelo guddoomiye gobol oo Madaxweynaha wareegto ku magacabaayo, sidoo kale yeelanaya maqaam Wasiir.
Waxa uu sheegay xildhibaanka masuuliyiinta matela iyo shacabka gobolka Banaadir aysan aqbali karin wax kayar in iyagu madaxdooda soo doortaan, waxa uuna xusay ciddii keentay qodobkan in ay soo afjareyso rajadii laga qabay hoggaanka dowladda hadda jirta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com