Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii lagu weeraray Hotelka Saxafi oo sii kordhay

Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadii xooganaa ee shalay lagu weeraray Hotelka Saxafi oo kamid ah Hoteelada waa weyn ee kuyaala magaalada Muqdisho.

In ka badan 30-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxyada, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 40-qof oo kale, kuwaa oo dhaawacyadooda la dhigay isbitaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay qaraxyadan ayaa u badnaa dad shacab ah oo saarnaa gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale dad kale oo lug iyo Mooto bajaaj ku marayay laamiga hor mara Hotelka Saxafi ee qaraxyada lagu weeraray.

Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dad dhaawac ahaan loo geeyay, waxaana Isbitaalada wali buuxa meydad badan oo qaarkood aan la aqoonsan halka kuwa kalana eheladooda ay qaateen.

Goobta ay shalay ka dhaceen qaraxyada xoogan ayaa ahaa meel mashquul badan xiliyada galbihii, waxaana laamiga hor mara Hotelka Saxafi ee la weeraray uu yahay mid ay aad u isticmaalaan gaadiidka kala duwan .

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxyada iyo weerarka lagu qaaday Hotelka Saxafi ayaa sheegtay in ay weerarkaasi ku dileen 25 ruux ay ku sheegeen masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -