Arday si xun u garaacday Macalinkooda oo ka codsaday in Digsiyada aysan wax ku cunun !!

Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u hadal heysa arday dhigata dugsiga sare ee Oldonyiro ee Waqooyiga Isiolo oo si naxariis daro ah u garaacay macalinkooda kadib markii uu ardaydaasi u jeediyay codsi aysan jecleysan.

Macalin Pius Mugambi, oo dhiga maaddooyinka Fiisigiska iyo Kimistariga ayaa arbacadii lasoo dhaafay si xun loo garaacay, kadib markii macalinka hoolka qadada ugu tagay arday badan oo wax ku cuneysa digsiyo isagoona ka codsaday in saxaman wax ku cunaan.

Ardayda oo wiilal ahaa ayaana ka carootay codsiga macalinkooda ee ah in saxamanka rasahinka ku cunaan, waxa ayna markaasi kadib ku qaadeen weerar iyagoona macalinka gaarsiiyay dhaawacyo jirka ah .

“Waxaan ka codsaday inay wax ku cunaan saxamada oo aysan digsiga wax ku cunin. Waxay bilaabeen inay igu qeyliyaan, iyadoo qaarkood ay weerar igu soo qaadeen , ardaydu waxay yiraahdeen: ‘waxaynu nahay rag gudan, naguma qasbi kartid inaan wax ku cunno saxamada sidii aad u amri lahayd ilmo yar’. Kaddib aad ayay ii garaaceen,” ayuu yiri macalin  Mugambi.

Macalinkan sida xun u garaaceen ardaydii uu wax barakayay  ayaa ka codsaday Guddiga Macallimiinta Kenya (TSC) in ay ka wareejiyaan iskuulkan uu macalinka ka ahaa loona wareejiyo iskuul kale.

Ardayda macalinka garaacday ayaa la sheegay in dhawaan qaangaareen lana guday ayna soo gashay isla weynin iyo kibir, waxa ayna dhacdadan gudaha dalka Kenya ka abuurtay hadal heyn badan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -