Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Libaaxyo Sabab u noqday in hal mar dhintaan Boqolaal lo’ gissi ah !! (Daawo Sawirada)

Boqolaal lo’ gissi ah oo ka baxsanayay libaaxyo eryanayay ayaa ku haraqmay Wabi kuyaala xadka u dhaxeeya Wadamada Botoswana iyo Namibia.

Saraakiil katirsan dowlada Botoswana ayaa sheegay in libaaxyada dhinaca wabiga u eryadeen Boqolaal lo’ Gissi ah oo wada socday, waxaana lo’da mar qura ku wada daateen wabiga halkaas ay ku dhinteen intooda badan.

Nin Hotel ku leh Xadka Botoswana iyo Namibia ayaa sheegay in uu arkayay lo’da oo bad baado u gashay  wabiga balse markii dambe is buurteen sidaasna ay ugu dhamaadeen wabiga .

Lo’ gissida ku dhamaatay wabiga ayaa tiradooda lagu qiyaasay in ay ka badnaayeen afar boqol, waxaana sawirro laga soo qaaday goobtaasi muujinayeen lo’da oo dul sabeeneysa biyaha wabiga.

Dadka degan aaga lo’da ku dhamaatay ayaa bilaabay in ay yimaadaan Wabiga ayna qashaan lo’da dhimatay, waxa ayna gaadiid ku qaadanayeen dadka hilbaha lo’da wabiga ku dhamaatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare hore oo kasoo horjeestay Qodobadii kasoo baxay Shirkii golaha Wadatashiga

Cabdi Cade

Agaasimihii Madaxtooyada oo si rasmi ah u shaaciyay in uu is casilay kana hadlay Sababta

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Shiikh Shariif & James Swan? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---