Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Difaaca & taliyeyaasha ciidanka oo booqday Buula Xaaji

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka xooga Dalka S/Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin Iyo Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin  ayaa si wadajir ah u kormeerey  deegaannadii dhawaan lagu jebiyey al shabaab ee Buula Xaaji iyo Harboole ee  gobolka Jubbada hoose.

Masuuliyiinta ayaa  mid mid u kor istaagey  goobihii iyo difaacyadii  sida lagu laayey al shabaab weerarkii ay soo qaaday 22kii -bishan.

Waxay u hambalyeeyeen dhammaan Taliyeyaasha, Saraakiisha iyo Ciidanka sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Madaxdu Waxay Balan-qaadeen in dhamaan Ciidanka Labadiisa heer  dowlad goboleed iyo federaalba  loo dhamaystiri doono Wax kasta oo ay u baahan yihiin si buu yiri cadowga looga dulqaado dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ku hayaan.

Masuulyiintan ayaa qeyb ka ahaa wafdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo saaka Kismaayo ku tagay booqasho lagu dhiirigelinayo Ciidanka Qaranka.

Related posts

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah la iskugu yeeray

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlada Somalia oo shaacisay in la dilay ninkii bedeli lahaa hogaamiyaha Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Iskaashi cusub isku af-gartay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---