(Sawirro) Rooble oo kulan la leh Qoor-qoor, Guudlaawe, Musharaxiin iyo siyaasyiin kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan leh caawa madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan midowga musharaxiinta.

Xubnaha ka qeyb galaya kulankan waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, madaxweynihii hore ee JFS Mudane Xasan Sh. Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS mudane Xasan Cali Kheyre, hoggaamiyaha Xisbiga wadajir  Cabdirahman Cabdishakuur iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan labada gole ee BFS iyo Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayay wararku sheegayaan in looga hadlayo xoojinta xasilloonida caasimadda ka dib qalalaasihii dhawaan dhacay iyo sidii xal looga gaari lahaa arrimaha siyaasada dalka iyo doorashooyinka oo khilaaf badan uu ka taagnaa.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan la qaatay madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle & Midowga Musharaxiinta,si loo sii xoojiyo xasilloonida caasimadda ka dib qalalaasihii dhawaan dhacay iyo arrimaha doorashooyinka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska RW Rooble.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta iyo siyaasiyinta kale ee mucaaradka ayaa RW Rooble iyo madaxda Galmudug iyo Hirshabelle uga mahad celiyey go’aankii ay kaga hor yimaadeen muddo kordhintii uu sameeyey Baarlamanka ee sababtay in dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -