Farmaajo oo ka degay Bahir-dar city & Sawirro hadal heyn badan dhaliyey oo laga qaaday (Sawirro)

Madaxweynaha Federaalka Somaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Bahir-dar oo ka tirsan gobolka Gondar ee dalka Itoobiya.

Farmaajo ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa soo xirtay dhar caddaan iyo casaan isugu jira oo ay xirtaan dadka Itoobiyaanka xilliyadda Nabadda.

Sadexda hogaamiye ayaa lagu wadaa iney kulan saddex geesood ah ku yeeshaan halkaas, iyagoo ka wada hadlaya iskaashiga dalalkooda iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee geeska Afrika.

Dhinaca kale, Sawirro aad loola yaabay ayaa laga soo qaaday Madaxweyne Farmaajo oo dhexda ka fadhiya labada hogaamiye ee Itoobiya iyo Eritrea, iyagoo hoosta isaga jira, sidii ciyaal xaafadeedna u sheekeysanaya.

Sawirkan oo baraha bulshada si weyn loogu faafiyey ayaa Madaxweyne farmaajo oo dhexda ku jira waxaa uu u muuqdaa qof ciriiri la geliyey oo aysan ku soconin sheekada labada hogaamiye, muuqaal ahaana kuma wanaagsanayn marka la eego meeqaamka Saddexda hogaamiye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -